Sign in to follow this  
General Duke

Got my self a gun: Sharif Xasan Imitating his warlord boss

Recommended Posts

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ku khudbeeyay isaga oo ku sugan Xerada Hiilwayne Waxaan qori ahayn inooma dhexeeyo Cabdullahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geedi hadii ay Itoobiya Dalka u Horseedaan. :: (239 Reads)

 

sharif_suudi_xamar12.gif

 

Posted by webmaster on Friday, May 20, 2005 - 03:46 AM

 

Shariifka oo Beesha Caalamka iyo Umada Soomaaliyeedba ay wali layaaban yihiin nin Gudoomiye Baarlamaan ah hadana Xukuumad Mucaarad ku ah Meeshii uu dhex dhexaad ka noqon lahaa Mudanayaasha Siyaasadu ay kala fogaysay ayaa dhaq dhaqaaqiisa xag jirka ah ee aan gabashada lahayn maalinba maalinta ka danbaysa ay isa soo taraysaa.

 

Iyadoo sida Sharcigu dhigayo uu Mudan yahay in Xilka laga qaado waliba si aqlabiyad looga cayriyo Mansabka uu ku fadhiyo, maadaama uusan mudnayn waa hadii sharci iyo Wadaninimo la dhowrayo.

 

Shariifka ayaa waxa uu booqday Maleeshi Beeleedyada Laghu xareeyay Hiilwayne waxa uuna u jeediyay Khudbado runtii Qof walba oo wax garada uu la yaabayo.

 

 

Waxa uu yiri" Waxaan dhaar ku marayaa inaan ciidayda difaaco oo aan

Amxaarka iyo masuul ku sheega amxaarada u adeegaya aan ciida iyo dadkaba ka difaaco, " waxa gacanta iigu jira waa qori , kaa ayaan uga shaqaynayaa Cabdullahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geedi , haday cadow dalka u soo horseedaan".

 

Sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka ee DKFS Mudane Shariif Xasan isaga oo ku sugan xerada Hiilweyne isagoo qudbad u jeedinaya Dhalinyaradii hubaysnayd ee halkaa lagu soo xareeyay,

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dadka qaarkiis waxa ay ku sheegaan in uu yahay nin aan garanayn Shaqadiisa iyo Micanaha Gudoomiye Baarlamaan,

 

Halka dadka qaarkiis ayba yiraahdaan waxa uu u baahan yahaay haday sidaan daacad ka tahay in loo furo tababar lagu barayo shaqadiisa

 

Idamaale News

Mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this