Sign in to follow this  
Deeq A.

“Muuse Biixi Ma Haysto Sharciyad Uu Ku Matalo Reer Somaliland, Kaliya Wuxuu Matalaa Xisbigiisa KULMIYE…” Faysal Oo Sheegay In Muuse Biixi Aanu Haysan Sharciyad Uu Ku Matalo Shacabka Somaliland Oo Uu Kula Hadlo Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi aanu haysan sharciyad uu ku matalo shacabka Somaliland oo uu kula hadlo Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo guud ahaanba kasoo horjeeda, wada-hadalo lala galo Soomaaliya, ayaa sheegay in anay jirin Somaliland wax ka galay 5 gobol oo qabiilo ka taliyaan, isaga oo u jeeda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

“Muuse Biixi ma haysto sharciyad uu ku matalo reer Somaliland, kaliya wuxuu matalaa xisbigiisa Kulmiye, wada-hadal lala furo isaga, Somaliland waxay u tixgalin doontaa  mid aan shaqaynayn iyo faragalin lagu sameeyay arrimaheeda guddaha, waxba nagama galin 5-ta gobool ee qabaa’ilku ka taliyo ee Soomaaliya” ayuu yidhi Waraabe.

Guddoomiye Waraabe oo hore qayb uga ahaa wada-hadaladii xukuumadii Siilaanyo la gashay xukuumadihii hore ee Soomaaliya, ayaa sannadihii u danbeeyay kasoo horjeestay wada-hadalada, isaga oo sheegay in wada-hadalku aanu Somaliland faa’iido u lahayn.

Hadaba, ergo ka socota waddamada Norwey iyo Turkiga, oo Somaliland safar ku jooga ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu dib wada-hadal ula furo xukuumada Soomaaliya, codsigaasi oo uu madaxweynuhu ku xidhay shuruudo dhowra oo ay kamid yihiin  in la fuliyo heshiisyadii hore labada dhinac u galeen.

Dhimaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna la kulmay ergada ka socota Norwey iyo Turkiga, ayaa sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay soocelinta wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this