Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670393125972.jpg?resize=720%2C32

Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay degaanka Farjanno oo ka tirsan degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Laba gaari oo maarked iyo Candha-meydle ah ayaa isku dhacay waxaana ku dhintay Laba ruux halka saddex kalena ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay Booliiska Puntland.

Booliiska ayaa sheegay in shilkan markiiba ay ka hawlgaleen Ciidamada Ilaalinta Nabad-gelyada Waddooyinka islamarkaana dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay geeyeen isbitaalka weyn ee degmada Buurtinle.

Qoraal ka soo baxay Booliiska Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaan lagu hayo sida shilkaas u dhacay.

FB_IMG_1670393117571.jpg?resize=720%2C32 FB_IMG_1670393122155.jpg?resize=720%2C32 FB_IMG_1670393125972.jpg?resize=720%2C32 FB_IMG_1670393132875.jpg?resize=720%2C32

PUNTLAND POST

The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this