Sign in to follow this  
Deeq A.

Warka ciyaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   
Dalka Marooko ee ku yaala Waqooyiga Qaaradda Afrika ayaa noqday dalkii Afraad ee ka socda Qaaradda Madaw ee iska xaadiriya wareegga sideed-dhammaadka (quarter final) Koobka Adduunka, kadib markii ay caawa rikoodhayaal kaga badiyeen xulka dalka Spain oo koobkan ku guulaystay sannadkii 2010 oo ahaa markii u horaysay ee lagu qabtay qaaradda Afrika.
Saddex dal oo Afrika ah ayaa hore u gaadhay Rubuc-dhammaadka Koobka Adduunka, waxayna kala yihiin Cameroon oo halkan soo gaadhay 1990, Senegal oo heerkan gaadhay 2002 iyo Dalka Ghana oo soo gaadhay 2010, balse ma jiro dal Afrikaana oo gaadhay afar-dhammaadka (semi-final) koobka Adduunka.
Dalka Marooko waxa uu sideed-dhammaadka (quarter final) la ciyaari doonaan dalka soo guulaystay Portugal iyo Switzerland oo ciyaar adag yeelana 10:00pm ee caawa, haddii uu dalka Marooko halkaas dhaafana waxa uu noqon doonaa dalkii Afrika ee ugu horeeyey ee gaadhay rubuc-dhammaadka koobka Adduunka.
May be an image of outdoors and monument

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this