Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ka Qeybgalay Xiritaanka Heritage Ee Djibouti

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.
“Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku soo bandhigay madasha, guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ay ka saareen deegaanno badan oo ay ugu dambeysay degmada Aadan Yabaal oo muhiim u ah isku socodka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb-galay Madashan ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha is-daba-joogga ah ee laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey, iyadoo Labada Madaxweyne ay shahaado sharaf ka guddoomeen Machadka Heritage, taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka.
318331457_538364175001393_13837476207733
318739857_538364241668053_78244530867714
318336346_538364268334717_85597076878932
317926383_538364188334725_71143335300190
317976780_538364315001379_11338057433728
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this