Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Aadan-yabaal – Maxay tahay madaxtooyadaan laga qabsaday Al-Shabaab? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay sawirrada madaxtooyadii Al-Shabaab ee degmada Aadan-yabaal, taas oo hadal heyn xoog leh ka abuurtay baraha bulshada.

Madaxtooyadaan oo ah guri ay ku qoran tahay Villa Aadan-yabaal ayaa waxaa deganaa jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin xubnaha ay saldhigga u aheyd xaruntaan.

Saraakiil kuwa deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in gurigaan sawirradiisa lasoo bandhigay uu deganaa Kabokutukade oo ku magacaaban guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sanado badan oo Al-Shabaab ay heysteen Aadan-yabaal lama arkin sawirrada magaaladaan qadiimiga ah, waxaana hadda laga helayaa xogo hor dhac ah oo ku saabsan sidii kooxdu ay u maamuli jirtay magaaladaan.

Hal iskuul oo magaalada laga waayey dadkii wax ka bara jiray ayaa ku yiilay degmadaas, sidoo kale Al-Shabaab markii ay ka baxeen Aadan-yabaal waxay horay u sii qaateen matoorrada labo ceel-biyood oo magaaladu ay laheyd.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoreynta degmadaas ayaa qiray inay Al-Shabaab qaateen matooradii labada ceel ee Aadan-yabaal, wuxuuna balan qaaday in dowladdu ay si deg deg ah wax uga qaba doonto baahida dhanka biyaha ah.

Dhammaan dadkii ku noolaa magaaladaas ayaa horay u raacay Al-Shabaab, waxaana taas lagu macneeyey in kooxdu ay duqeymaha gabaad uga dhiganeyso dadka shacabka ah.

Hoos ka eeg sawirrada Villa Aadan-yabaal

WhatsApp-Image-2022-12-06-at-11.45.30.jpWhatsApp-Image-2022-12-06-at-11.44.38.jp WhatsApp-Image-2022-12-06-at-11.45.00.jp

The post Villa Aadan-yabaal – Maxay tahay madaxtooyadaan laga qabsaday Al-Shabaab? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this