Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo sameeyay magacaabis

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-1-750x430-1.jpeg?resize=750%2C430&s

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magasaabay labo xubnood oo ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka, kuwaas oo kala ah Garyaqaan Suleymaan Sheekh Cabdullaahi Maxamuud iyo Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi.

Hoos ka akhriso wareegtada

Garoowe: 06 December 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 81, 06-da December 2022, Kuna saabsan magacaabid labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waayo aragnimadooda Shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Garyaqaan Suleymaan Sheikh Cabdullaahi Maxamuud loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

2. Waxaa Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST

The post Deni oo sameeyay magacaabis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this