Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare Ee Pakistan Oo Amar Ka Soo Saartay Weriye Caan Ahaa Oo Lagu Dilay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa u magacawday guddi ka kooban shan garsoore si ay u kormeeraan baadhitaanka lagu hayo dilka wariye caan ah oo lagu toogtay dalka Kenya.

Arshad Sharif ayaa bishii October ee sannadkan waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliska xilli uu ku sugnaa dalka ku yaala bariga Afrika, iyadoo boolisku ay sheegeen inuu ahaa kiis lagu qaldamay.

Mr Sharif ayaa ahaa nin si weyn u dhaleeceeyay ciidamada Pakistan, waxaana dilkiisa uu caro xoogan ka dhaliyay guud ahaan dalka Pakistan.

Maxkamadda ayaa shaacisay guddiga ka kooban 5-xubnood oo uu hoggaamin doona guddoomiyaha maxkamadda sare Umar Atta Bandyal. Bayaan ka soo baxay maxkamada ayaa lagu sheegay in ay jawaabo ka dalbatay wasaaradaha arrimaha dibadda iyo gudaha ee Pakistan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this