Sign in to follow this  
General Duke

People of Bay Bakool: Xasan Dahir = Caydeed...

Recommended Posts

Dadweynaha ku dhaqan Baay iyo Bakool oo ku

 

source

 

Dadweynaha ku dhaqan Baay iyo Bakool oo ku baaqay in laga hortago weerarada Maleeshiyaadka Maxkamadaha ee ku soo wajahan degaanadooda

Aragtiyo laga soo Ururiyay dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka Baay iyo Bakool ayaa waxay sheegayan in inta badan dadkaasi ka soo horjeedan in goboladaas soo galaan maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga ee ka socda Magaalada muqdisho.

 

Cabdalla Deerow ***** oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ayaa aragtidiisa ku sheegay inay tahay qorshaha Maxkamadaha Dhul ballaarsigii Jen Caydiid ku qabsaday 1995-tii magaalada Baydhabo, booskii Caydiidna ku jiro Sheekh Xasan Dahir Aweys.

 

Mr Deerow waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu dagaalamo, kana hortago kuwa duulaanka ku soo ah waa sida uu hadalka u dhigay Gobolada Baay iyo Bakool.

 

Xasan Maxamed Xusen waa nin Macalin ka ah Dugsi lagu barto luuqadaha oo ku yaalo magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in isaguna diyaar u yahay inuu qaato qoriga si dadkiisa iyo degaankiisa uga badbaadiyo Maleeshiyaadka ka soo duulaya Muqdisho.

 

“Magaalada xilligan waxaa ka socda dhismo,waxaa jooga kumanaan soomaaliyed, waxaa kaliya la diidan yahay waxay tahay iyadoo dhismaysa magaaladaâ€ayuu yiri Xasan Maxamed.

 

Xaawa Cabdi Aadan oo iyadana ka mid ah haweenka Gobolka Baay ayaa sheegtay in dadka dega Baay iyo Bakool haatan ka soo kabanayaan dhibaatadii ay gaarsiiyeen Maleeshiyadii Jen Caydiid sidaas darted ayay sheegtay in Xasan Dahir uu la mid yahay Caydiid.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuurdiin007@hotmail.com

news@ufurow.com

Muqdisho , Soomaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxkamada Islaamiga Albayaan Awood ma u leedahay in ay yeelato Ciidamo Intan la ego o ay ku weerarto Magaalada Baydhabo

 

Waa Maxkamad Islaami ah, kuna soo biirtay Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ka dhisan 17-kii bishan ,dabcan dhismaheeda waxaa ku lug leh shaqsiyaad ka tirsanaa markii hore Golaha Maxkamadaha Soomaaliya,waxaa loo dhisay ujeedooyin kala duwan,laakiin danta guud waxay ahayd inay horkacaan Mas’uuliyiinta Maxkamadan weerar lagu qaado Baay maadama ay ka soo jeedan Magaalada Baydhabo.

 

Gudoomiyaha Maxkamaddaasi Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa waxa uu sheegay in maxkamadani ay xasilin doonto gobolada Shabeellaha hoose, Baay iyo Bakool waa sida uu hadalka u dhigay,iyadoo la ogsoon yahay in Shabeellaha hoose ay haystan Maleeshiyo ku heyb ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada Islaamka Sheekh Xasan Dahir Aweys.

 

Xarunta Maxkamadan oo aan shalay tagay kuna taala marka la dhaafo Isgoyska KPP ee Magaalada Muqdisho ama dhabarka dambe ee Xaafadda African Village waxaan ku arkay ragg Wadaado ah oo gacanta ku haystan Kitaabka Qur’aanka gacan kalena ku haysteen Qoriga AK47, markii aan galay gudaha Maxkamada waxaa halkaasi fadhiyay Gudoomiyaha Maxkamaddaasi Maxamed Ibraahim Bilaal.

 

Haddaba su’aasha taagan waxay tahay Maxkamadan ma leedahay Ciidamo fara badan ama ma yihiin ciidamadii shalay qabsaday Buurhakaba kuwa ka soo jeeda Baay oo Maxkamadan hoos taga, su’aasha Jawaabteedu waxay tahay dabcan Maxkamadan ma laha Ciidamo hub intaan la eg haysta, laakiin Ciidamadan waa kuwa ka tirsan beelaha dega Xamar, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in qalqal lagu geliyo joogitaanka xubnaha Dowladda Magaalada Baydhabo.

 

Sheekh Muqtaar Roobow iyo Bilal waa Labo nin oo ka soo jeeda Beesha Mirifle, waa labo nin oo dhalinyaro ah, isla markaana Firfircooni u leh Siyaasadda cusub ee Soomaaliya, waxay doonayaan inay noqdaan labadooda hoggaamiyeyaasha Baay, taasi ayaa keentay inay horkacaan Maleeshiyada Maxkamadaha,ujeedadoodana waxay tahay korsi doon.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuurdiin007@hotmail.com

news@ufurow.com

Muqdisho , Soomaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this