Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadho ka dhalatay wasiir soo jeediyay in la xakameeyo barashada Qur’aanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadho ka dhalatay wasiir soo jeediyay in la xakameeyo barashada Qur’aanka

Wasiirku wuxuu ku adkeysanayaa in la xakameeyo barashada qur'aanka

Masaajiddo badan iyo ururo islaami ah oo ka jira dalka Holland ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah Dennis Wiersma oo ah wasiirka waxbarashada dalkaaa, kaas oo la sheegay inuu doonayo inuu xakameeyo barashada Qur’aanka kariimka ah oo inta badan carruurtu dhigtaan dhamaadka todobaadka, isaga oo ku eedeeyay Muslimiinta “takoor iyo ku xadgudubka dastuurka”.

Ururka Rijmond Union of Islamic (SPIOR), oo ay ku mideysanyihiin ilaa 300 oo masaajid iyo ururo Islaami ah ee gobolka Rotterdam, ayaa ku eedeeyay wasiir Wiersma “inuu ku kicinayo qayb bulshada ka mid ah una gaysanayo bahdil, nacayb iyo takoor”.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Nederlaan, Wasiir Wiersma ayaa ku adkaysanaya in la xakameeyo cashirrada Qur’aanka kariimka ah ee maalmaha fasaxa ah, kuwaas oo aanay dawladdu maalgelin, isla markaana aan lahayn awood rasmi ah.

Waraaq uu u diray golaha wakiilada bishii hore ayuu wasiirku kaga hadlay cilmi baarisyo ay sameeyeen hay’ado warbaahineed oo magacayadooda loo soo gaabiyo NOS iyo NRC, ayna ku sameeyeen masaajidda iyo barashada qur’aanka Kariimka ah .

Daraasaddan , ayaa lagu sheegay in “Koorsooyinka dhammaadka toddobaadka lagu qabto masaajidyada lagu baro carruurtadiintooda Islamaka isla markaana looga wacyi galiyo dhaqamada iyo wxayaabaha liddiga ku ah diinta Islaamka, taas oo wasiirku u arko in ay tahay xagjireen carruurta loo gaysanayo ,iyadoo laga jeedinayo dhaqanka dalka Holland.

Wasiir Wiersma ayaa ku nuuxnuuxsaday in koorsooyinkan ay tahay in la xakameeyo.

Masuuliyiinta Wasaaradda: Ku xad-gudubka xorriyadda hadalka

Wiersma ayaa sheegay in  “ay tahay wax laga xumaado sida uu hadalka u dhigay in wax ka hor imaanaya dimuquraadiyadda lagu baro in ka badan 1,000 carruur ah ugu yaraan 50 xaruumood oo ay mamaulaan bulshada Islamaka ah oo ku yaalla dalka  Nederland.”

Isagoo muujinaya walaaciisa ku saabsan arrintaan ayuu sheegay inuu qaadi doono tallaabo ka dhan ah xagjirnimada waxbarashada aan tooska ahayn, iyadoon loo eegin aragtida.

Dennis Wiersma waxa kale oo uu soo jeediyay in wax laga beddelo sharciga si loo siiyo kormeerayaasha  waxbarashada xulashooyin ku saabsan xakameeynta duruusta Qur’aanka ee toddobadaka.

Dhinaca kale,mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa sheegay in soo jeedinta wasiir Wiersma ay tahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka, sidaas darteedna ay adag tahay in la fuliyo.

Howl-wadeennada wasaarada ayaa carabka ku adkeeyay in soo jeedinta Wiersma ay la macno tahay in la isku dayo in la go’aamiyo sida waalidku u koriyaan caruurtooda, waxayna sheegeen in tani ay xad gudub ku tahay qaar ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah sida xoriyada hadalka.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka waxbarashada ee Nederland, Wiersma, ayaan ka laaban hindisahan. Taas beddelkeedana, wuxuu ku dooday in xakamayntu ay lagama maarmaan tahay ” hadalkaan ayaa ah fikradaha dadka xagjirka ah  lagu yaqaan”.

Wiersma ayaa tilmaamay in ay tahay in sidoo kale la dhaqan geliyo shuruudo “mamnuucaya buugaagta ka soo horjeeda dimoqraadiyadda,”

 Wakiilada masaajida iyo ururada islaamiga ah ayaa sheegay in ku adkaysiga wasiir Wiersma ee hadalkiisa lidiga ku ah Muslimiinta iyo barashada  Qur’aanka kariimka ah ay la macno tahay xad gudub dastuuri ah  waxayna ku dhawaaqeen inay gudbiyeen dacwad ka dhan ah oo ay ku tilmaamen inuu jabiyay “dastuurka”.

Afhayeen u hadlay SPIOR ayaa ku dooday in qorshaha uu soo jeediyay Wiersma uu meel ka dhac ku yahay xorriyadda caqiidada, “Ma soo saari kartid hindise siyaasadeed oo aan dastuuri ahayn”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this