Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: President CadeMuse stroll across the capital +audio

Recommended Posts

Muqdisho: Dadka Xamar Weyne oo Generaal Cadde Muuse moodayey Wasiir ama Xildhibaan ka tirsan dowladda

6. August 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Muqdisho ayaa la arkayey maanta isagoo ay la socdeen labo gaari oo ciidamada amaanka ee dhar cadka ah ay la socdeen ayaa kormeer ku soo kala bixiyay deegaano ka tirsan magaalada Muqdisho sida xaafadaha Xamar Weyne. Xamar Jajab iyo Shangaani.

 

"30 Sano ka hor ayaa iigu danbeysay magaalada Muqdisho, markii aan imidna runtiina waan la yaabay sida ay u dhisan tahay, inkastoo aan xaaladaha ka jira awal kor kala socon jiray waxaana ii asteysan inaan booqdo goobo taariikhi ii ah oo nolosheyda aanan ilooweynin mana jirto wax cabsi ah oo iga baajin kara inaan maro meeshii aan doono" ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse oo dhawaan qeybo ka tirsan warbaahinta xog-wareysi siinayey.

 

Madaxweyne Cadde Muuse ayaa la arkayey isagoon aysan ka muuqan wax cabsi ah oo uu ka qabo qaraxyada iyo iska horimaadyada xiliyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho isagoo suuqii Xamar Weyne gaar ahaan agagaarkii Kawaanka uu ku soo maray socod dhinaca lugta ah isla markaana uu u guur galayo xaalada ay ku kala sugan tahay xiligii ugu danbeysay iyo xiligan.

 

Kormeerka Madaxweyne Cadde Muuse ayey dadka ku dhaqan Muqdisho gaar ahaan kuwii la kulmay aysan aqoon u laheyn iyagoo moodayey inuu yahay Wasiir ka tirsan Dowladda ama Xildhibaan, marka ay maqleen inuu Cadde Muuse yahay ayey si weyn ula yaabeen tallaabada geesinimada leh ee uu ugu dhex lugeynayey suuqii Xamar Weyne iyadoo horay u arag wasiir ama xildhibaan awoodin inuu ku dhex lugeeyo magaalada Muqdisho

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra’isal wasaare Geedi iyo Madaxweyne Cadde oo Maanta Muqdisho kulan ku yeeshay

 

Ra’isal Wasaare Geedi ayaa maanta waxa uu kulan adag oo mudo kooban socday la qaatay Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Puntland Jeneraal Cadde Muuse Xirsi , waxaana kulankooda uu ka danbeeyey markii ay Maanta si wadajir ah uga qeybgaleen Xiritaanka Siminaar loogu xirayey Iskoolka Police-ka Shaqaalaha Maamulka G/Banadir

 

Madaxweyne Cadde ayaa xiligaa waxa uu uga warbixiyey Ra’isal wasaare Geedi Safarkiisa Muqdisho iyo waliba kulamadii uu la qaatay Madaxdii Dawlada Dhexe ee uu arkay.

 

Sida uu Shabakada Wararka Carmooyin.com u sheegay Wasiirka Warfaafinta Puntland C/Raxmaan Bankax kulan kale oo mudo badan qaadan doona ayaa u dhiman labada Mas’uul , waxa uuna sheegay Bankax in uu kan ahaa mid horudhac ah

 

Mr: Bankax ayaa sheegay in ay sii joogi doonaan Magaalada Muqdisho waqti kale inta ay ka dhamaysanayaan kulamo wali uga harsan Madaxda Dawlada Federaalka

 

Mar uu ka hadlaayey Bankax halka ay ku danbeeyaan Ciidamadii daraawiishta ee ay balanqadeen xiliga la soo rarayo ayuu sheegay in ay u xayirantahay oo kaliya arintaa Wasaarada Gaashaandhiga

 

Si kastaba waxaa la wada dhawraya kulan ay Saxaafada ka qeyngasho oo ay wada yeeshaan Ra’isal wasaare Geedi iyo Wafuuda uu hogaaminayo Madaxweyne Cadde Muse Xirsi

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho Marki Aan Imid Ma Maleyn Kartid Hurdada Aan Seexday

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-Augosto-2007

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo ka warbixiyay aragtida uu kala kulmay magaalada Mudisho oo ey ugu danbeysay mudo 30-sanadood ayaa ku sheegay mid gabi ahaanba ka duwan tan uu ka aaminsanaa ee uu kala socon jiray warbaahinta.

 

Mudane Cadde Muuse ayaa ku tilmaamay sawirka ey ka baxshaan warbaahinta xaaladda magaalada Muqdisho mid khaldan, waxa uuna intaa raaciyay in uu u qaadan waayay amaanka iyo neecowda nabadeed ee uu kala kulmay caasimadda Somaliya ee Muqdisho.

 

"Tan iyo markii aan imid Muqdisho isbuuc ka hor, umaleyn meysid sidii aan u seexday", ayuu yiri General Cadde Muuse oo intaa raaciyay in eysan aheyn oo kaliya amaanka ka jira Muqdisho oo kaliya balse neecowda iyo jawiga ey wax weyn ka badashay caafimaadkiisa.

 

Madaxweyne Cadde Muuse ayaa kusoo wareegay inta badan caasimadda Mudisho gaar ahaan goobihii taariikhiga ahaa oo iminka burbursan, wuxuuna sidoo kale sheegay in uu la kulmay asxaab ey wada shaqeyn jireen xiligii uu dalka wanaagsanaa isla markaana uu kulamo la qaatay.

 

Caasimadda Muqdisho ayaa boqolkiiba sagaashan eynan waxba ka jirin sawirka ey ka bixinayaan webside yada iyo warbaahinta sida gaarka ah ey u leeyihiin kooxaha dowlad diidka ah, kuwaasoo buunbuuniya oo kaliya falalka amni daro oo ey ka fuliyaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kooxo ey iyagu maalgaliyaan.

 

16-ka degmo ee caasimadda ayaa 14 ka mid ah waxa ey yihiin goobo amaankoodu lagu faano, waxaana laba degmo oo ey ku dhuumaaleystaan kooxaha amni darada ka wada caasimadda ka fuliyaan halkaa qaraxyo bomb gacmeedyo iyo falal burcadnimo taasoo ey ku carqaladeynayaan amaanka guud ee magaalada.

 

Labada degmo oo ey ku dhuumaaleystaan kooxaha burcada ah ayaa kala ah degmada Huriwaa oo ah goobta ey sida xooga ah ugu badnaayeen kooxaha argagixisada waagii maxaakiimta iyo degmada hodan oo iyana xoog ku dageen guryohooda kooxaha qaska wada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this