Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka RW Xamza iyo madaxa ATMIS?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha Argagaxisada.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday wuxuu dowladda ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay kasoo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Danjire Souef ayaa ballan-qaaday in ATMIS ay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada iyo dadaallada xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida looga hir-gelinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ciidanka Midowga Afrika uga mahad-celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalkeena.

XM1.jpg XM2.jpg XM3.jpg XM4.jpg XM5.jpg XM6.jpg

The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulanka RW Xamza iyo madaxa ATMIS? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this