Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in la xakameeyay shaqaaqooyin ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670305549620.jpg?resize=720%2C48

Taliska guud ee ciidamada difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in la xakameeyay shaqaaqooyin la xiriira muran dhuleed oo dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

S/Gaas Abshir London oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in lagu guulaystay xakamaynta shaqaaqooyinkaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh.

Taliyaha ayaa bogaadiyay labada dhinac ee shaqaaqadu dhexmartay oo sida uu sheegay dadaal badan ku bixiyay arrinta Nabadaynta.

Abshir London ayaa sidoo kale sheegay in Gogol Nabadeed loo dhigayo labada dhinac si loo dhammaystiro Nabadaynta.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in la xakameeyay shaqaaqooyin ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this