Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay in Al-shabaab laga saaray degmada Aaden Yabaal

Recommended Posts

Deeq A.   
20221111638037282330064107.jpg?resize=66

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmiya u shaacisay in Al-shabaab laga xoreeyay degmada Aaden Yabaal ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Af-hayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas.

Degmada istiraatiijiga ah ee Aaden Yabaal ayaa la sheegay in ay ahayd xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa horay Al-shabaab uga saaray degaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolkaas Shabeellada dhexe.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacisay in Al-shabaab laga saaray degmada Aaden Yabaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this