Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadho Ka Dhalatay Wasiir Soo Jeediyay In La Xakameeyo Barashada Qur’aanka Kariimka Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Masaajido badan iyo ururo islaami ah oo ka jira dalka Holland ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah Dennis Wiersma oo ah wasiirka waxbarashada dalkaaa, kaas oo la sheegay inuu doonayo inuu xakameeyo barashada Qur’aanka kariimka ah oo inta badan carruurtu dhigtaan dhamaadka todobaadka, isaga oo ku eedeeyay Muslimiinta “takoor iyo ku xadgudubka dastuurka”.

Ururka Rijmond Union of Islamic (SPIOR), oo ay ku mideysanyihiin ilaa 300 oo masaajid iyo ururo Islaami ah ee gobolka Rotterdam, ayaa ku eedeeyay wasiir Wiersma “inuu ku kicinayo qayb bulshada ka mid ah una gaysanayo bahdil, nacayb iyo takoor”.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Nederlaan, Wasiir Wiersma ayaa ku adkaysanaya in la xakameeyo cashirrada Qur’aanka kariimka ah ee maalmaha fasaxa ah, kuwaas oo aanay dawladdu maalgelin, isla markaana aan lahayn awood rasmi ah.

Waraaq uu u diray golaha wakiilada bishii hore ayuu wasiirku kaga hadlay cilmi baadhisyo ay sameeyeen hay’ado warbaahineed oo magacayadooda loo soo gaabiyo NOS iyo NRC, ayna ku sameeyeen masaajidda iyo barashada qur’aanka Kariimka ah.

Daraasaddan , ayaa lagu sheegay in “Koorsooyinka dhammaadka toddobaadka lagu qabto masaajidyada lagu baro carruurtadiintooda Islamaka isla markaana looga wacyi galiyo dhaqamada iyo wxayaabaha liddiga ku ah diinta Islaamka, taas oo wasiirku u arko in ay tahay xagjirayn carruurta loo gaysanayo ,iyadoo laga jeedinayo dhaqanka dalka Holland.

Wasiir Wiersma ayaa ku nuuxnuuxsaday in koorsooyinkan ay tahay in la xakameeyo.

Dhinaca kale mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa sheegay in soo jeedinta wasiir Wiersma ay tahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka, sidaas darteedna ay adag tahay in la fuliyo.

Howl-wadeennada wasaarada ayaa carabka ku adkeeyay in soo jeedinta Wiersma ay la macno tahay in la isku dayo in la go’aamiyo sida waalidku u koriyaan caruurtooda, waxayna sheegeen in tani ay xad gudub ku tahay qaar ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah sida xoriyada hadalka. Si kastaba ha ahaatee, wasiirka waxbarashada ee Nederland, Wiersma, ayaan ka laaban hindisahan. Taas beddelkeedana, wuxuu ku dooday in xakamayntu ay lagama maarmaan tahay

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this