Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaadayaasha Iyo Millatariga Dalka Sudan Oo Heshiis Gaadhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Isbaheysiga Dimoqraadiyad doonka ah ee ciidanka Xorriyadda iyo kooxda kale ee Change -ama isbedel ayaa saxeexay heshiis bilow ah oo ay la galeen millatariga si loo soo celiyo xukunkii rayidka ahaa ka dib afgambigii dhacay sannadkii hore.

Heshiiskan ayaa oggolaanaya xukun ku meel gaadh ah oo middo laba sanno lagu gaadho doorashooyin.

Laakiin bannaanbaxyo lagaga horjeedo heshiiska ayaa ka billaamay caasimadda , Khartoum kuwo kale ayaa Iyana lagu wadaa dalka oo dhan in ay ka dhacaaan , iyadoo dadku ugu baaqayaan in kuwa afgambiga hoggaaminayey lala xisaabtamo.

Sudan ayaa la kulantay afar sanno oo degenaansho la’aan siyaasadeed

Ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Cumar Al -Bashir markii ay dhaceen bannaanbaxyo waaweyn.

Midowga Afrika , dowladaha Carabta iyo kuwa reer Galbeedka ayaa ka dambeeyey wada xaajood dhexmaray millatariga iyo rayidka si deggenaanshihii loo soo celiyo loona joojiyo bannaanbaxyada loona badbaadiyo dhaqaalaha Sudan ee burburaya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this