Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxad Maqasheen Anoo Leh Mashruuca Uu Wado Muuse Biixi Waa Burburka Somaliland, Macnaheedu Maaha Ana Burburinaya, Lakiin…”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa sheegay in ururada siyaasada ee cusubi ay Somaliland burburinayaan.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in nidaamka furista ururada ee uu madaxweynaha Somaliland hor kacayaa uu uu Somaliland burbur u horseedi doono.

“Waxad maqasheen anoo leh mashruuca uu wado Muuse Biixi waa burburka Somaliland, macnaheedu maaha ana burburinaya, lakiin waa habkay u burburaysay” ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

“Bal Muuse waxad waydiisan, wuxuu leeyahay sharci baan ilaalinayaa oo uu gaalada u sheegay, anagaaba ku ixtiraamaynee intu soo fadhiisto sharciga uu ilaalinayo ha sheego sharciga odhanaya jilib kastaaba urur ha furto” ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaan wali ka heshiin ta soo horaynaysa doorashooyinka ururada siyaasada iyo madaxtooyada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this