Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo gaaray dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka.

Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii Janaayo 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo gaaray dalka Qatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this