Sign in to follow this  
General Duke

Burtinle: Gets new mayor and city council....

Recommended Posts

War Deg Deg Ah; Mamulka Degmada Burtinle Oo Lagu Dhawaaqay.

Posted by Ali on September 2nd, 2010

 

Burtinle(Puntlandi.com);- Waxaa goordhawayd la soo gabagabeeyay doorashada godomiyaha Degmada Burtile ee Gobolka nugaal oo maalmahii udanbeeyay dhisidiisa socotay.

 

Godomoiyaha Degmada Burtile ayaa waxaa u tartamayay 3musharax waxaa ku guulaystay Axmed Khaliif Faarax oo helay 13 halka Cabdi raxmaan ilwayn oo ku soo dhawaadana uu helay 8cod.

 

intaa kadib ayaa waxaa lagudagalay doorashada godomiye ku xigeenka waxaa isku soo taagay jagadaa 2 musharax oo midkood yahay Godomiya ku xigeenkii hore iyo Daahir Jaamac.

 

Doorashada Godomiye ku xigeenka waxaa ku guulaystay Cali Geele oo ahaa godomiye ku xigeenkii hore waxaa uu ku guulaystay cod gaaraya 12 halka Daahir Jaamacna uu ka helay 9 cod.

 

Doorashada Godomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa halkaa lagu soo gabagabeeyay waxaana goobta lagu dhaariyay xubnaha lamagacaabay iyadoo lagu booriyay in waajibaadkooda gutaan,

 

Madasha ay Doorashada ka dhacaysay waxaa goobjoog ahaa Wasiiro ka socaday Dawlada Puntland iyo marti sharafkale waxaana dhamaantood ay soo dhaweeyen sida ay Doorashada u dhacaday.

 

Ali Ahmed Abdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Deegaanka ee Burtinle oo la dhisay

September 3, 20102 comments| leave your own!

Share Golihii Deegaanka ee degmada Burtinle ayaa lagu guuleystay in si rasmi ah loo dhiso kadib munaasabad balaaran oo shalay gelinkii danbe ka dhacday magaalada Burtinle.

 

Waxaa munaasabadan shalay ka dhacday magaalada Burtinle lagu dhaariyey 21 xildhibaan oo kamid ah 23ka xildhibaan ee kamid noqon doona golaha deegaanka ee degmada Burtinle.

 

Waxaa sidoo kale 21kan xildhinbaan xilalkooda loo dhaariyey ayagoo markaasina doortay Guddoomiye iyo Gudoomiye kuxigeen cusub.

 

Wasaarada arrimaha Gudaha ee dowlada Puntland ayaa Ansixisay golaha cusub ee lasoo magacaabay kadib markii ay dhamaan beelaha ku dhaqan degmada ay soo gudbiyeen xubnahooda.

 

Maxamed Farax Ciise Gaashaan Wasiirul Dowlaha Maamul Wanaaga ee Puntland oo Horseed Media u waramaya ayaa sheegay in madax badan oo ka socota dowlada Puntland ay muddo sadex casho ah ku sugnaayeen degmada Burtinle oo ay u joogeen dhismaha Golaha deegaanka.

 

Wuxuu sheegay Mr.Gaashaan in dhamaan beelaha degmada ay si habsami ah usoo gudbiyeen magacyada xubnaha ay soo xuleen, asagoo sheegay in maamulkii hore ee degmadana si wanaagsan ulla shaqeeyey guddigan loo saaray dhismaha golaha Deegaanka.

 

Gaashaan ayaa ku amaanay odayaasha iyo cuqaasha Burtinle kaalinta wanaagsan oo ay ka qaateen dhismaha golaha deegaanka.

 

Kadib markii xildhibaanada golaha la dhaariyey ayaa waxaa isla goobta ka dhacday doorashada Guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka.

 

Horseednet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa Maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Dhismihii Golaha

 

Deegaanka Degmada Burtinle kadib Markii mudo maalmaha ay Socdeen kala xulida Xubnaha Golaha Deegaanka ee ay soo gudbiyeen Cuqaasha iyo

Waxgaradka Degmada.

 

kadib Dhismaha Golahan Waxay Xubnaha Goluhu doorteen Gudoomiye iyo

Gudoomiye ku xigeenka Degmada,Waxana Jagadaasi u tartamay sadex

musharax ugu dambayntiina Waxaa Jagada Gudoomiyaha Degmada ku

Guulaystay Axmed Khaliif Faarax oo 13 Cod kaga Guulaystay Cabdi

raxmaan ilwayn oo helay 8 cod kaliya.

 

Intaasi kadib Waxaa hadana Tartanka galay Xubnaha labada ah ee ku

jiray loolanka Jagada Gudoomiye ku xigeenka Degmada Waxana Si

Aqlabiyad leh Jagadasi loogu Doortay Cali gelle Maxamed oo ahaa

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Burtinle.

 

Doorashadan oo dhalisay Buuq farabdan ayaa Waxaa Goobta isaga tagay

laba Xubnood oo uu ka mid yahay gudoomiyihii hore ee golahan Waxana

Gudiga Dhismaha Golaha Deegaanku ay sheegeen in Waxgaradku ay

Xubnahaasi badelkooda keenaan maadaama ay iscasilaad ku dhawaqeen

intii Doorashadu ay socotay.

 

Masuuliyiinta Gudiga Golayaasha Deegaanku waxay sheegeen Xawshan

Dhismaha golaha Deegaanka Degmada Burtinle in ay u dhacday si habsami

leh oo aan Gacan dhaaf lahayn, wuxuuna Golahan Noqonayaa Golihii ugu

horeeyay ee Degmadan loo dhiso tan iyo Markii uu Xilka Madexweyne

Nimada Qabtay C/raxmaan Sh maxamed Maxamuud Faroole.

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this