Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo Maanta Dhaqangelinaya Xayiraado Ka Dhan Ah Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa in uu dhaqangeliyo go’aan hoos loogu dhigayo qiimaha saliidda uu Ruushku dhoofiyo, arrintan oo ay si weyn ay Moscow uga hortimid.

Dalalka G7, Midowga Yurub iyo Australia ayaa ku heshiiyay in dalna aanu bixin karin wax ka badan lixdan dollar ($60) fuustadiiba, si loo curyaamiyo weerarada uu Ruushka ka sii wado dalka Ukraine.

Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in go’aankani uu dhaqangeli doono Isniinta maanta ah.

Dhanka kale Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa sheegay inaanan la aqbali karin qiimaha sicirka hooseeye, ee ay Reer Galbeedku ku jaaangooyeen shidaalkiisa.

Washington ayaa sheegtay in tallaabadani ay wiiqi doonto isha dakhliga ee ugu muhiimsan Madaxweyne Vladimir Putin.

Reer Galbeedka ayaa tani u arka hub maaliyadeed oo maangal ah, caqabad weyna ku noqon karta Moscow.

Duullaanka Ruushka ee Ukraine ayaa saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida, iyadoona sicir barar xoog leh laga dareemay suuqyada caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this