Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhadda Tigray Oo Furimaha Dagaalka Kala Baxday Dagaalyahanadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxa ciidammada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba shan iyo lixdan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxeexdeen dowladda.

Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidammada Tigreega ayaa sheegay inay u dhaqaaqeen goobo cayiman. Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xorreynta Tigrayga ayaa sheegtay in ayna ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii ayna ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya ayna ka bixin Tigrayga.

Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidammada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this