Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiilkii Waxbarashada Dhexda Kaga Tagay Ee Hadda Ah Ninka Ugu Taajirsan Qaaradda Aasiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Habeenkii 26-kii November 2008, Gautam Adani, oo ahaa ninka 10-aad ee ugu taajirsan Hindiya, isagoo ka cashaynaya maqaayad ku taalla hoteelka raaxada ee Mumbai ee Taj Mahal Hotel, wuxuu arkay rag hubeysan oo gudaha u galay, oo rasaas u ridayay dhinac walba, bam-gacmeedna tuurayay.

Toban dagaalyahan oo aad u hubaysan, oo dhamaantood u dhashay Pakistan, ayaa soo gaadhay badda fiidnimadaas, waxaanay u kala qaybsameen kooxo, waxay afduubteen baabuur, weerarna ku qaadeen bartilmaameedyo, oo ay ku jiraan laba hoteel oo waaweyn.

Go’doominta magaalada oo socotay 60 saacadood ayaa waxaa ku dhintay 166 qof, waxaana xumaaday xidhiidhka Hindiya iyo Pakistan.

Mr Adaani ayaa markii dambe u sheegay majaladda India Today in shaqaalaha hoteelka ay si degdeg ah dadkii wax ka cunayey qolka hoose ee guriga muddo dhawr saacadood ah ku xidheen, ka dibna ay u u gudbeen hool ku yaalla dabaqa sare xataa iyada oo uu dhiigu ku daadnayay banaanka.

Waxaa hoolka soo galay 100 qof oo marti ah – “qaar waxay ku dhuumanayeen sariiro hoostooda, qaarna meelo  qarsoodi ayay galeen” – si u duceeyeystaan.

Kadib markii uu habeenkaas waaga ugu barayay gudaha  hoolka, ayaa Mr Adaani iyo raggii kale laga saaray albaabka danbe ee laga soo galo, ka dib markii ay ciidamada Kumaandooska ahi galeen hotelka subaxii dambe.

Qiyaastii 14 sanno ka dib habeenkaas, Mr Adani, oo 60 jir ah, waa ninka saddexaad ee adduunka ugu taajirsan – waxa ka horreeya Elon Musk iyo Jeff Bezos.

Waxa uu maamulaa shirkad ballaadhan oo oo dhanka tamarta dekadaha ah oo ay hoostagaan toddobo shirkadood oo ganacis ah, 23,000 oo shaqaale iyo hanti ka badan $230 bilyan oo doollar.

Waxa uu todobaadkan ku jiray wararka warbaahinta sababta oo ah waxa uu ku dhaw yahay in uu la wareego NDTV, oo ah shabakada wararka ee India loogu ixtiraam badan yahay, taas oo noqoneyso ganacsigiisii ​​ugu horreeyay ee dhanka warbaahinta ah.

Ka dib markii uu iskuulka dhexda kaga tagay isaga oo 16 jir ah, Mr Cadaani waxa uu u guuray Mumbai si uu u tijaabiyo ganacsi, waxa uu bilaabay ka ganacssiga dheemanka hase yeeshee ganacsigan hore uma sii socon oo muddo laba sannadood ka dib wuxuu ku laabtay Gujarat, gobolka uu ka soo jeedo, si uu u maamulo warshad baakadaha sameysa oo uu maamulayay walaalkii.

Mr Adaani, oo ka soo jeeda qoys dabaqad dhexe ah oo ka ganacsada dharka, waligii dib uma eegin ka dib markii uu furtay shirkadiisa ka ganacsiga badeecadaha sannadkii 1998.

24-kii sano ee xigay, shirkadihiisa deynta lagu bilaabay waxay u kala qaybsameen dekedo,, waddooyin tareen, kaabayaasha korontada iyo hantida ma guurtada ah taas oo ka dhigtay waxa uu falanqeeye ku tilmaamay “laga yaabo in ay yahay mid ka mid ah dadka ugu dadaal badan jiilka cusub ee Hindiya ee maalqabeenada”.

Maanta, Mr Cadaani waa maalqabeenka kaabayaasha dhaqaalaha ee Hindiya. Waxa uu maamulaa shirkadda labaad ee ugu weyn Hindiya ee sibidhka, 13 dekedood – oo ay ku jirto tan ugu weyn dalka oo ku taalla magaalada xeebta galbeed ee Mundra – wuxuu sidoo kale maamulaa todoba garoon diyaaradeed. Waxa uu dhisaya Jidka aadka u dheer ee Hindiya ee isku xidha Delhi iyo Mumbai oo ah caasimadda ganacsiga dalkaas.

Hase yeeshee dhanka kale, Mr Adaani waxa hadheeyay muran badan oo ah dhanka xidhiidhka dhow ee uu la leeyahay Narendra Modi. Dadka dhaleeceeya ayaa ku tilmaamay in boqortooyadiisa ganacsi ay tusaale u tahay hanti-wadaag ka dhaxeeya isaga iyo Modi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this