Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Oo Muddo Kadib Booqasho Ku Tegay Dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afarta sanno oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xidhiidhka labada dal.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar.

Madaxweynaha  oo socdaalkiisa uu kusoo beegmay xilli dalkaas uu ka socdo Koobka Adduunka ee 2022.

Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii January 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayiraad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dalkaas.

Booqashada oo ku timid casuumadda amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa dhiseysa xidhiidhka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

Hoggaamiyaha aan rasmiga ah ee Sacuudiga Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa hore ula kulmay amiirka Qatar kadib markii u ka qeyb-galay furitaanka Koobka Adduunka.

Bishii May, amiirka Qatar ayaa Abu Dhabi uga qeyb-galay tacsida madaxweynihii hore ee Imaaraadka Sheikh Khalifa, oo ay isku aabe ahaayeen Sheikh Mohamed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this