Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo La Kulmay Madaxweynah Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa Madaxtooyada Galmudug kula kulmay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makkaawi, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha Abaaraha iyo Gurmadka.
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa madaxwaynaha iyo wasiirka kaga warbixiyay shaqada hay’adda ee ku aadan ka jawaabista xaaladdaha deg degga ah iyo maareynta xaaladdaha la xariira abaaraha, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Madaxwaynaha la wadaagay deeq raashin ah oo dhawaan la gaarsiin doono degmada Baxdo.
Madaxweynaha Galmudug ayaa hay’adda SODMA u ballanqaaday xarun ay ku shaqeeyaan oo dhawaan laga dhagax dhigi doono Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda Galmudug, waxaana xilligaan deegaannada Galmudug qaar kamid ah ka jira Abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saameysay, waxaana yaraa Roobabka xilliga Deyrta ee Da’ay.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this