Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland iyo safiirka Maraykanka oo ka wada-hadlaya arrima ay ku jirto PSF

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la yeesho safiirka dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry André.

Dad lagu kalsoon yahay warkooda ayaa noo xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Maraykanka ay saacadaha soo socda ku kulmi doonaan Muqdisho.

Kulanka labada mas’uul ayaa sida wararku xaqiijinayaan waxaa looga hadli doonaa xoojinta xiriirka iskaashiga ee labada dhinac gaar ahaanna Arrimaha Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada.

” si guud Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada ayaa Kulanka looga hadli doonaa waxaase jirta arrin si gaar ah u khusaysa hay’adda PSF” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo aan faahfaahin kale bixin.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland iyo safiirka Maraykanka oo ka wada-hadlaya arrima ay ku jirto PSF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this