Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ka aloosan Gobolka Cayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa ka aloosan degaanno ka tirsan Gobolka Cayn.

Ciidamada Somaliland ayaa sida la sheegayo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada degaanno hoostaga degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Ciidamada Puntland iyo kuwa degaanka ayaa sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ka wada magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada labada dhinac ayaa laga dareemayaa diyaar-garow xooggan waxaana laga cabsi qabaa isku dhacyo hubaysan.

Xiisaddan ayaa ku soo beegantay xilli aan weli la dhayin hurgumooyinkii ka dhashay duullaankii Somaliland ku qaadday Kalshaale 7-dii February 2011.

PUNTLAND POST

The post Xiisad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland oo ka aloosan Gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this