Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay arrinta ku saabsan Soomaaliya ee uu sheegay Zelenskyy?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay gacansiinta waddamo dhowr ah oo Soomaaliya kamid tahay oo xaalado bani-aadanimo ay ka jiraan.

Waddamadaan ayaa kala: Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen.

Waxa uu sheegay in Dekedda Doraleh ee Jamhuuriyadda Jabuuti uu ku xirtay Markab wada gargaar bani-aadamnimo, gaar ahaan Qamadi dhan 25,000 Metric Tons si loogu caawiyo qoysaska ku dhibaateysan Itoobiya.

“Waxaa naga go’an in aan garab istaagno oo aan caawino dadka dhiban, sanadka soo socda 2023-ka waxa aan gaarsiineynaa gar-gaarka illaa 60 Markab si looga hortago baahida cunno la’aan ee dunida ka taagan,” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Zelenskyy ayaa tilmaamay in kaalmadaas ay ku baxeyso $150 Milyan oo Doollar oo ah deeq si gaar ah loogu tala-galay waddamada Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen.

The post Maxay tahay arrinta ku saabsan Soomaaliya ee uu sheegay Zelenskyy? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this