Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulankii Xasan Sheekh iyo guddoonka BF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Xasan Sheekh ayaa guddiyada iyo guddoonka uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

 Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda. 

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay guddoonka iyo guddiyada golaha shacabka inay joojiyaan mooshinka amniga ee horyaalla.

Illaa 22 xildhibaan ayaa shalay saxiixay mooshin ku saabsan xaaladda amniga dalka, kuwaas oo ku dooday inay muhiim tahay in laga hadlo amniga dalka, maadaama xaaladda waddanka ay mareyso meel halis ah.

Illaa 44 xildhibaan ayaa ogolaatay mooshinkaas markii loo qaaday codeyn gacan tag ah, kuwaas oo u codeeyey in laga dodo, taasi oo ka dhigan in baarlamanka u yeeri karo taliyeyaasha ciidanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu warramayaa inuua aad uga walaacsan yahay mooshinka amniga dalka, oo keeni kara in xukuumadda la rido, dalkana uu galo qalalaase xilli uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir.
Xasan.jpeg Madoobe.jpeg Sacdiya-1.jpeg Abshirow.jpeg 318493543_537014175136393_52142899532521 Xasan-iyo-guddoonka-baarlamanka.jpeg 318149651_537014185136392_28227209234680 318362759_537014148469729_20778581488708 Yuusuf-Geelle.jpeg 318313407_537014391803038_59633261182536 Cabdisamad.jpeg 318211793_537014495136361_58690339777538 318135371_537014448469699_31686038652354

The post Xogta kulankii Xasan Sheekh iyo guddoonka BF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this