Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo magaca ka bedelay mid kamid ah wasaaradaha DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray wareegto uu magaca kaga badalayo wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.

Wareegtada uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa loogu bixiyay wasaaradda magac cusub oo ah “wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah” (Ministry of Fisheries and Blue Economic).

“Magac-bedelidda cusub ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah (Ministry of Fisheries and Blue Economic), waxay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha XFS, waxaana lagu soo saaraya fulinta rasmiga ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre.

Lama cadeyn sababta rasmiga ah ee keentay in magaca laga bedelo wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa noqoneysa wasaaraddii ugu horeysay ee magaca laga bedelo dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray.

kalumesi-717x1024-1.jpg

The post Xamza oo magaca ka bedelay mid kamid ah wasaaradaha DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this