Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari qof rayid ah ku dilay isbaaro oo dil toogasho ah lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka sida ayaa maanta xukun dil toogasha ah ku riday askari ka tirsan ciidanka dowladda oo hore u dilay nin Darawal ahaa.

Gacan ku dhiiglaha dilka lagu xukumay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed ayaa loo heystaa dilka Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo todobaadkii hore uu ku dilay isbaaro taalla degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dhageysiga kiiskan ayaa shalay ka bilowday xarunta maxkanadda, iyadoona isla maanta xukunkaasi dilka ah lagu riday, iyadoo maxkamada ay joogeen markhaatiyaal goob joog ka ahaa xiliga falka dilka ah uu dhacayay iyo ehelada labada dhinac.

Si kastaba, Ninka xukunka dilka ah lagu riday ayaa dhanka kale maxkamada ka hor sheegay in Balcad ilaa Muqdisho oo ah qiyaastii 40KM ay taalo ilaaa11 Isbaaro sharci darra ah.

PUNTLAND POST

The post Askari qof rayid ah ku dilay isbaaro oo dil toogasho ah lagu xukumay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this