Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Horumarinta Caalamiga ah ee Norway

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670144614050.jpg?resize=720%2C48

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee dhinacyada badan ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Horumarinta Caalamiga ah ee Norway appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this