Sign in to follow this  
Deeq A.

Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo si rasmi ah u xirmi doona Todobaadkan

Recommended Posts

Deeq A.   

Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa in uu gebi ahaanba xirmo dhammaadka Todobaadkan.

Xildhibaanno kala duwan oo ka tirsan Baarlamanka ayaa noo sheegay in maalinta Khamiista ah ee ku beegan 8 bishan December uu si rasmi ah u xirmi doono Kal-fadhiga.

Xildhibaannada qaarkood ayaa sidoo kale sheegay in Kal-fadhigan uu ahaa mid aan wax saamayn ah yeelan islamarkaana lala xisaabtamin Xukuumadda Siciid Deni.

Kal-fadhiga xiga ee 52-aad ayaa sida caadiga ah furmi doona 15 bisha June ee sannadka 2023 waxaana sida la xaqiijiyay lagu ansixin doonaa mudda kororsi laba sano ah.

PUNTLAND POST

The post Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland oo si rasmi ah u xirmi doona Todobaadkan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this