Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Norway oo lacag dhan $30 milyan oo Dollar ku taageeraysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670147454871.jpg?resize=720%2C51

Dowladda Norway ayaa Soomaaliya ku taageeraysa lacag dhan $ 30 milyan oo Dollar sida uu xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dowladda Norway Soomaaliya ku taageerayso $30 milyan oo Dollar taas oo la soo marin doono Bankiga Adduunka.

Wasiirka ayaa warkan sheegay kadib kulan uu maanta Xafiiskiisa Muqdisho kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Anne Beathe.

“Dowladda Norway waxa ay Soomaaliya ku taageeraysaa lacag dhan $30 Milyan oo dollar taasi oo ay inoo soo marisiinayso Bangiga Adduunka” ayuu yiri Wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Norway oo lacag dhan $30 milyan oo Dollar ku taageeraysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this