Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka Oo Liiska Argagixisada Ku Dartay Qari Amjad

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay Qari Amjad oo loo yaqaanno Mufti Muzahim, oo ah ku xigeenka amiirka kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan ee dalka Pakistan iyo saddex hoggaamiye oo kale oo ka tirsan ururka xagjirka ah ee Al-Qaacidda oo iyagana lagu dhawaaqay in liiskan lagu soo daray.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in afartan qof lagu daray liiskan sababo la xidhiidha dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan gudaha ururradooda argagixisada ah. Saddexda hoggaamiye ee ka tirsan Al-Qaacidda, ayaa magacayadooda lagu sheegay Osama Maxamed, Atif Yaxya Ghori iyo Muxumed Maruf.

War saxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee arrintan la xidhiidha ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu adeegsan doono dhammaan awoodihiisa la dagaallanka argagixisada si meesha looga saaro dhammaan isku dayga argagixisada ee Afghanistan.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka aanu marnaba oggolaan doonin in Afgaanistaan mar kale loo adeegsado goob saldhig u ah argagaxiso.

Ka dib markii uu go’aankan soo baxay, afhayeenka ururka la mamnuucay ee Tehreek-e-Taliban Pakistan ayaa muujiyay ‘in ay ka xun yihiin’ tallaabadaan waxayna sheegeen in ururkoodu uu si cad ugu sheegay Pakistan iyo Mareykanka iyo xoogagga kale in ay u dagaallamayaan qiyam diimeed iyo mid qaran, kaas oo aan lahayn ajande kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this