Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahino ka soo baxayo dagaal ka socda deegaan hoostaga Gobalka Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaayo deegaanka Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in uu dagaal xooggan ka socda deegaan hoostaga degmada Aadan Yabaal.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda oo kaa shanaya kuwa dadka deegaanka ay weerar dhulka iyo cirka ah ku qaadeen deegaan lagu mahacaabo Juxay oo hoostaga deegaanka Guulane ee degmada Aadan Yabaal.

Deegaanka Juxay ayaa 20km u jira deegaanka Guulane ee degmada Aadan Yabaal, waxaana wararka ay sheegayaan in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka.

Ururka Al-shabaab ayaa isaga baxay degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana kaabiga ku haya degmada ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this