Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Caan Ah oo Lagu Dilay Ceelasha Biyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in kooxa hubaysan ay habeennimadii xalay ku dileen deegaanka mid kamid ah ganacsatada ugu caansan Ceelasha Biyaha.

Ganacsadaha ladilay oo lagu magacaabi jiray Nabaddoon Cabdiraxaam Axmed oo ku magac dheera Sheekeeye ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay koox ku lebisan dareeska ciidanka oo doonayay in ay xilligaasi dhac u gaystaan, balse muran dhex maray kadib ay rasaas ku fureen marxuumka.

Sheekeeye ayaa kamid ahaa dadka sida wayn looga yaqaano deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana xilliga la dilayay uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaadda.

Kooxda dilka gaysatay ayaa isaga baxsatay goobta dilka kadib, waxaana ciidamada dowladda oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ay sameeyeen baaritaanno, mana jirto cid illa iyo hadda loo soo xiray dhacdadaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this