Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta oo Axad ku wajahan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa safar maalmo kooban ah ku tegi doona Muqdisho sida ay wararku xaqiijinayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxwene Xasan Sheekh uu u yeeray Siciid Deni islamarkaana ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Villa Somalia.

Kulanka labada dhinac ayaa sida xogo hoose tilmaamayaan waxaa looga hadli doonaa fulinta ballamo hore oo lala galay Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay si dadban u hakiyay xiriirka Villa Somalia oo uu ku eedeeyay ballan-ka-bax.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la sheegay in uu mooshino ka dhex abaabulayay Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo maanta ku wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this