Sign in to follow this  
Deeq A.

Sweden Oo Turkiga U Soo Gacan Galisay Nin Ay Raadinayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Turkiga ayaa soo werineysa in dalka Sweden uu u soo gacan galiyey Turkiga nin ka soo jeeda turkiyiinta Kurdishka ah oo lagu helay in uu xubin ka yahay ururka PKK ee mamnuuca ka ah dalkaas.

Mahmut Tat ayaa lagu warramay in uu ku jiray liiska dadka ay dowladda Turkigu dooneysay in loo soo gacan galiyo, marka la eego codsi Sweden ee xubinimada NATO.

Turkiga ayaa dib u dhigeysay in ay ansixiyaan in Sweden iyo Finland ku soo biiraan NATO.

Kulan ay NATO laheyd oo toddobaadkan dhacay ayaa wasiirka arrimaha dibedda ee Turkiga waxaa uu ka sheegay in Ankara ay weli sugeyso in ay aragto Sweden oo qaadday tallaabooyin la taaban karo oo ay Turkiga kula shaqeyneyso marka la eego dagaal ay kula jirto argagixisada oo ay ku jirto in ay soo gudbiso turkiyiinta loo arko in ay dambileyaal yihiin.

Mahmut Tat ayaa magangalyo weydiistay dalka Sweden sannadkii 2015kii laakaiin waa loo diiday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this