Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweynaha Puntland Oo Isku Diyaarinaya In Uu Samaysto Muddo Kordhin Laba Sanno Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul-gobolleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa isku diyaarinaya in uu dhaqan-gashado muddo korodhsi uu kusii fadhiyayo xilka u sareeya maamulkaasi dhammaadka bisha June ee sannadka 2023-ka.

Xog ay heshay warbaahintu ayaa waxa ay sheegaysa in madaxweyne Deni ugu dambeyntii uu go’aansaday hirgelinta muddo korodhsi laba sanno ah marka la gaadho horaanta sannadka cusub.

Qorshaha muddo korodhsiga ayaa la sheegaya in loo qoondeeyay dhaqaale xoogan, waxaana la rabaa in cod aqlabiyad ah ku ansixiyaan Baarlamanaaka Puntland. 15-ka bisha June ee sannadka cusub ayuu sida caadiga ah furmi doona Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka maamulkaasi.

Qorshahaan ayaa waxaa hore si adag uga digay qaar kamid ah Musharaxiinta xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019

Musharaxiintaaan ayaa sidoo kale xilligaas sheegay in ayna marnaba aqbaleyn muddo korodhsi sharci darro ah, kaasi oo Puntland u horseedaya dagaal gudaheeda ah, sida ay sheegeen.

Waxkasta oo ka dhasha damaca Deni ayey sheegeen mucaaridka in uu qaadan doono masuuliyadeeda koowaad.

Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli uu weli taagan yahay dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxay madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa soo dhistay ee Aaran-Jaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this