Sign in to follow this  
Deeq A.

Faallo: deegaannada ay la wareegeen ciidamada dowladda waxay ahmiyad u leeyihiin howlgallada socda, ganacsiga iyo safarka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si isku xigxiga ula wareegay deegaanno badan oo dhac gobollada shabeellaha dhexe iyo hiiraan.

Deegaannada la qabsaday oo ah kuwo intii muddo aheydba gacanta ugu jiray al-shabaab waxay soo mareen marxalado adag oo xagga nolosha iyo maamulkaba ah, hayeeshee waxaa hadda jira fursado muhim ah oo dib usoo kabsasho weyn loogu horseedi karo.

Deegaannada gacanta dowladda soo galay qaarkood waxay leeyihiin ahmiyad weyn oo xagga istaraatiijiyadda dagaalka ah, isu socodka bulshooyinka iyo xiriirka ganacsi ee gobolada dhexe iyo magaalada caasimadda ah.

Masaajidka cali gaduud oo ka mid ah deegaannadii ugu horreeyay ee la qabtay oo ka tirsan gobolka shabeellaha dhexe waa iridda deegaanka intiisa kale, waa bar isku xireysa tuulooyinka iyo magaalooyinka kale ee la doonayo in alshabaab lagala wareego ama maamul ahaan dib u habeyn lagu sameeyo.

Waa magaalo bar istaraatiiji ah u noqotay howlgallada hadda ka socda gobollada shabeellaha dhexe iyo hiiraan, waana tan sahashay in maalmo isku dhow gudahood ay ciidamadu deegaanno badan la wareegaan.

Deegaannada nuur-dugle iyo ceel baraf waa bar waddo muhim ah isku xireysa magaalada muqdisho iyo gobolka shabeelaha dhexe intiisa badan.

Sidoo kale deegaanka ceel baraf wuxuu isku xire muhim ah u yahay labada gobo lee hirshebelle sababtoo ah waxaa hadda isku furan ceel baraf oo shabeellaha dhexe ah iyo tardo oo gobolka hiiraan ah, intaas oo idil waxay gacanta u galeen ciidamada dowladda ee hawlgalka wada iyo dadka deegaanka.

Gobolka hiiraan marka la joogo, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen magaalooyinka maxaas, moqokori, dhul ballaaran oo jalalaqsi iyo buula burde ah iyo deegaanno kale, taas waxay muhim u tahay howlgallada milatery ee socda oo bilowgii hore ay adkeyd saanadda milatery iyo gurmadka ciidamada, deegaannada qaarkood oo aad isugu dhow waxaa lagu qasbanaa in dhanka hawada la isticmaalo marka loo kala safrayo ciidan iyo rayid labadaba, xagga bulshada intii muddo aheydba magaalooyinka gobolka hiiraan waxay ku jireen wax u eg go’doon dhaqaale iyo ganacsi.

Waxaa aad u adkaa in badeecada ka timaadda dekedda muqdisho ay gaarto suuqyada gobolka hiiraan, taas beddelkeed ganacsatada qaarkood waxay isticmaali jireen dekedaha puntland ku yaalla oo masaafo ahaan aad uga fog

Xagga adeegyada caafimaadka ayaa sidoo kale ahaa arrimaha aadka u murugsan ee go’doonka magaalooyinku ku jireen ay wax badan dib u dhigayeen ay aad usii murjinayeen.

Hadda dowladdu magaalooyin uun ayay gacanta ku dhigtay laakiin waxaa horyaalla baahiyo badan oo ka jira deegaannada la qabtay oo ay tahay in dowladdu ay u dejiso qorshooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan in loo sameeyo dib-uhabeyn maamul, hirgelin adeegyo bulsho, xafiisyo dowladeed iyo qorshaha ugu muhiimsan oo ah habka sugidda amniga iyo ilaalina nabadgelyada deegaanka iyo kunoolihiisba.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this