Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda oo Kaabiga Ku Haya Aadan Yabaal iyo Al-shabaab oo Isaga Baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay isaga baxeen maanta degmada  Aadan Yabaal oo ay maamulayeen dhowr iyo toban sano, kadib markii ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ay kaabiga ku hayaan degmadaas iyaga oo ka weeraray dhowr jiho.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka ciidanka dowladda oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in sheegay in ciidanku ay ku dhowyihiin in ay gudaha u galaan degmada, isaga oo hadalkiisa raaciyay in dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa ay isaga baxeen halkaas, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan jirin awood hor taagan.

Degmada Aadan Yabaal ayaa ah fariisintii ugu weyneed oo Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka, waxaana horay looga saaray deegaanka Masaajidka Cali Gaduud iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka, waxaana xusid mudan in guddoomiyeyaasha ka kala arrimiya Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay ku kulmeen xadka labada gobol.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhxe, waxaana xusid mudan in maalin ka hor dagaal xooggan oo khasaare dhaliyay uu ku dhexe maray deegaanka hoos taga Aadan Yabaal oo lagu magacaabo Nuur dugle oo ay kuwada dagaalameen.

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2022/12/317833069_108781341989752_8009843693178571501_n.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this