Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Maareeye-ku-xigeenka Shirkadda DP World

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670060713219.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Sabti ah xarunta Madaxtooyada ku qaabiley wefdi uu hoggaaminayo Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Kulankaas lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ku saabsan mashaariicda ay DP World ka wado Somaliland, gaar ahaan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, islamarkaana diiradda lagu saaray dhamaystirka dhismaha qaybta koowaad ee Aaga Cashuuraha ka caagan (Free Zone) oo lagu wado in bishan December dhammaadkeeda la dhammaystiro.

Maareeye-ku-xigeenka ahna Agaasimaha Maamulka iyo Madaxa Fulinta Bariga Dhexe iyo Afrika ee Shirkada DP World Mr. Suhail Al Banna ayaa madaxweynaha Somaliland warbixin guud ka siiyey hawlaha ka socda Dekeda Berbera oo uu xusay inay dekedu noqon doonto xudun dhaqaale oo u adeegta wadamada geeska iyo Bariga Afrika sida lagu sheegay Warka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

” Maamulka, Bariga Dhexe iyo Afrikana waxa uu madaxweynaha warbixin guud ka siiyey hawlaha ka socda Dekeda Berbera oo uu xusay inay Dekedu noqon doonto xudun dhaqaale oo u adeegta wadamada geeska iyo Bariga Afrika” ayaa lagu yiri Qoraalka ay Kulankaas ka soo saartay Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Maareeye-ku-xigeenka Shirkadda DP World appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this