Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo tababar u furay Cutubyo kamid ah Ciidanka Asluubta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1670065221994.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulliyadda tababarada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee General Calinuur Garoowe tababar uga furay cutubyo katirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Furitaanka tababarka waxaa ka qaybgalay xubno katirsan golayaasha dowladda, Taliska Ciidanka Asluubta, guddiga dibu-habaynta Ciidamada, saraakiisha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow), ayaa madaxweynaha Dowladda Puntland uga mahadceliyey sida uu ugu heelan yahay tayeynta Ciidamada, wuxuuna sheegay in Ciidanka Asluubta oo ku soo shaqeeyey duruufo adag ay marwalba diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda shaqo ayna jiraan dufcado kale oo marka kuwaani dhammaystaan la soo xerayn doono.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhankiisa Taliska, saraakiisha iyo Ciidanka Asluubta ku ammaanay shaqada adag ee ay hayaan, wuxuuna ciidanka tababarku u furmay ku booriyey inay ka faa’iidaystaan casharada ay siin doonaan macalimiintu, wuxuuna balan qaaday in xukuumaddu xil iska saari doonto inay helaan xuquuqdooda.

FB_IMG_1670065248979.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1670065216457.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1670065211967.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1670065231958.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1670065221994.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1670065226838.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1670065240893.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1670065253987.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo tababar u furay Cutubyo kamid ah Ciidanka Asluubta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this