Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Dhalinyaro Ah Oo Iska Soo Tuurtay Dabaq Ku Yaalla Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Duhurnimadii shalay waxaa dabaq ku yaalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir iska soo tuurtay gabadh dhalinyaro ah oo magaceeda lagu soo koobay Fartuun.

Gabadhan iska soo tuurtay dabaqa ayaa la sheegay in dhawaan uu kusoo booday xanuun lagu sheegay Jini, hayeeshee baraha bulshada waxaa lagu faafiyay in gabadhani ay dabaqa isaga soo tuurtay Jeceyl dartii.

Muqaal si weyn loogu dhex faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaayay gabadha oo kasoo boodeysa dabaqa, islamarkaana kusoo dhul dhaceysa maro ay dhulka la taagnayeen dhalinyaro dhowr ah oo dooneysay iney ku badbaadiyaan, hayeshee waxaa la xaqiijiyay in gabadha ay soo gaadheen dhaawacyo jajab u badan oo dhanka lugaha iyo gacmaha ka gaadhay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay qoyska Fartuun oo la xadhiidha sababaha rasmiga ah ee keenay in gabadhooda iska soo tuurto dabaqaan ku yaallo xaafada Israac agagaarka buundada Xamar jajab ee magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this