Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya oo shaqa joojin ku sameeyay xubna ka tirsan guddiga doorashada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa shaqa joojin ku sameeyay afar kamid ah guddigii doorashada ee dalka Kenya, kuwaas oo ka soo horjeestay natiijadii guusha ee doorashada uu gaaray Ruto.

Xubnaha guddigaan ayaa Augusto diiday in ay aqbalaan guusha uu gaaray madaxweynaha Kenya William Ruto, markaas oo ay sheegeen in uu guulaystay Odinga.

Ruto ayaa guddi u saaray si ay baaritaan ah u saaray si ay u soo xaqiijiyaan xubnaha afarta ah ee shaqa joojinta uu ku sameeyay haddii xilka looga qaadi karo falkii ay ku kaceen.

Raila Odinga ayaa dhankiisa ka soo horjeestay go’aanka uu madaxweynaha shaqada ugu joojiyay xubnaha guddiga doorashada ee Kenya.

“xukuumadda Ruto  waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan,” ayuu yiri Raila  Odinga.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in uu madaxweynaha uu qorsheynayo in uu xilka ka qaado xubnahaan waxa uuna yiri “Waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027,”.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this