Sign in to follow this  
Deeq A.

Andrew Mitchellb oo ku dhawaaqay £6.7 milyan oo la siinayo Somalia kadib…

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Dowladda Uk ayaa ku dhawaaqday taageero dhaqaale oo ay siineyso dowladda federaalka, taasoo wax looga qabanayo arrimaha bani’aadanimada.

Tageeradaan cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Horumarinta UK, Andrew Mitchell oo maalmo kahor booqasho ku yimid Muqdisho, kadibna la kulmay madaxwenaha.

Andrew Mitchell ayaa shaaca ka qaaday in £6.7 milyan oo ah maalgelin gargaar bini’aadantinimo ah ay siineyso UK dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Lacagtaan ayuu sheegay in wax looga qaban doono horumarinta caafimaadka, nafaqeynta, adeegyada biyaha, gargaarka haqab-beelka cuntada iyo taageerada dhibanayaasha xadgudubka ku salaysan jinsiga.

Sidoo kale £1.7 milyan oo gargaar ah ayuu sheegay in UK ay ku taageerayo Sanduuqa gargaarka ee Sacuudiga, si loogu caawiyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya iyo £3.8 milyan oo qayb ka ah taageerada lagu horumarinayo hab-nololeedka xoola-dhaqatada si ay u helaan adeegyo maaliyadeed iyo caymis ka dhan ah abaaraha.

Dhanka kale waxaa jirta saddex milyan oo gini ah, taas oo horey loogaga dhawaaqay golaha loo dhan yahay ee QM, si loogu taageero Sanduuqa Dadweynaha ee UNFPA.

UK ayaa ka mid ah dalalka reer Yurub ee taageerada siiya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna ka caawisaa dhinacyo kala duwan.

Si kastaba, ujeedka taageeradan cusub ayaa ah sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, cunto yarida, rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo kor u qaadida adkeysiga cimilada, iyada oo la gaarsiin doono in ka badan 480,000 oo kamid ah dadka ugu nugul ee ku sugan dalka.

The post Andrew Mitchellb oo ku dhawaaqay £6.7 milyan oo la siinayo Somalia kadib… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this