Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya oo shaqa joojin ku sameeyay xubno kamid ah guddiga doorashada dalkaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa shaqa joojin ku sameeyay afar ka mid ah guddiga doorashada dalkaas.

Xubnaha shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa diiday in ay taageeraan guushii uu William Ruto ka gaaray doorashadii bishii August ka dhacday Kenya, sida laga soo xigtay Madaxtooyada.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay guddi baaritaan ku sameeya xubnahan shaqada laga joojiyay oo kala ah; Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi.

Dhinaca kale, mid kamid ah xubnaha shaqada laga joojiyay oo lagu magacaabo Justus Nyang’aya ayaa laga soo xigtay in uu is-casilay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Kenya oo shaqa joojin ku sameeyay xubno kamid ah guddiga doorashada dalkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this