Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo 100 aqoonyahan ka bixinaya kharashka waxbarashada ee PhD

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb galay Munaasabadda Qalin-jabinta Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sanadka ka baxay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay ayaa Maamulka Jaamacaddu waxay go’aamiyeen in ay Madaxweynaha ugu magac-daraan Xarunta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Jaamacaddan ka qaatay sanadkaan, shahaadada sare ee cilmiga nabadda, maamul wanaagga iyo horumarinta ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee maanta kala qalin-jabiyey heerarka kala duwan ee culuumta ay bixiso Jaamacadda Qaramada Midoobey, waxa uuna tilmaamay doorka laga filanayo in ay ka qaataan halganka ciribtirka jahliga iyo dib u dhaca dalka.

“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dhisidda tiirarka tacliinta sare oo ku saleysan hal-abuur iyo xirfad, horseedaysana nabad iyo dib u heshiisiin waarta. Maanta waxaan u fadhinnaa qalin jabinta 18 Aqoonyahan Soomaaliyeed oo qaatay PhD iyo 144 kale oo heerka Labaad ee Masterka ah, taas oo dhiirri gelinaysa mustaqbalka dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in boqol ardey la siinayo deeq waxbarasho PhD ah oo ay Jaamacadda UPEACE fulin doonto saddexda sano ee soo socota, taas oo kor loogu qaadayo heerka tacliinta sare ee Soomaaliya, iyadoo dawladdu ay arrinkaas la kaashaneyso Jaamacadda Nabadda iyo saaxiibbada kale ee taageera Waxbarashada dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh ayaa uga u mahad-celiyay dhammaan macalimiintii qaybta ka ahaa waxbarashadiisa, gaar ahaan maamulka iyo ardeyda Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay oo uu ka qaatay takhasuska cilmiga Nabadda, Maamul wanaagga iyo Horumarinta.

qalinjebin.jpgaa_.jpg111.jpgXasan-Sheekh.jpg

318073322_535214388649705_48548409761780 318087998_535214335316377_68582185053015 318104194_535232118647932_18885913412963 qalinjebin.jpg qalinjebin.jpgaa_.jpg   Xasan-Sheekh.jpg1_.jpg

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo 100 aqoonyahan ka bixinaya kharashka waxbarashada ee PhD appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this