Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo u hambalyeysay dowladda Imaaraatiga Carbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Sheikh-Mohamed-bin-Zayed-Al-Nahyan.jpg?r

Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Imaaraatiga Carbeed ugu hambalyeeysay wax ay ku tilmaantay midowgii barakaysnaa ee dalkaas sameeyay sannadkii 1971.

Madaxweyha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in tallaabadaas ahayd mid xikmadaysan oo looga daydo dhismaha bulshooyinka iyo midayntooda.

” Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Puntland, waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraya madaxweynaha Imaaraatiga mudane, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan_Alle ha xifdiyee iyo shacabka UAE, waxaana Ilaahay uga rajayn in ay ku waraan amni iyo xasilooni” ayuu yiri madaxweyne Deni.

” Waxaan sidoo kale uga mahadcelinaynaa dowladda Imaaraadka Carabta kaalinteeda horseednimo ee taageerada ay siiso Puntland dhinacyada horumarinta iyo amniga” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Puntland oo u hambalyeeyay UAE.

FB_IMG_1669985413788.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Puntland oo u hambalyeysay dowladda Imaaraatiga Carbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this