Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxtooyada Soomaaliya oo loo dhisayo dhisme cusub oo casri ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay munaasabad ku saabsan dib u habeynta Xafiisyada Madaxtooyada ayaa dhagax dhigay dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo Madaxtooyada. 

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qorsheyaasha ugu muhiimsan dowladdiisa ay ugu horreeyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, dib u habeynta xarummaha iyo hannaanka Hay’adaha dowladda iyo hirgelinta ku dhaqanka shuruucda dalka, taas oo aas-aas u ah dowlad Soomaaliyeed oo ay ku kalsoon yihiin shacabkeedu, gudan kartana waajibaadkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda, shacabka Turkiga iyo shirkada Albayrak sida ay gacanta uga geysanayaan dib u casriyeynta Xafiisyada Madaxtooyada, iyaga oo mar walba garab istaag iyo taageero u muujiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in gacan dalka lagaga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, gacanta kalena lagu horumarinayo dowladnimada.

Munaasibadda dhagax-dhigga Madaxtooyada cusub ee dalka waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya iyo Madaxa shirka Albayrak.
317697119_534364772068000_31472712644887 317678530_534364665401344_24073818893839 Xasan-Sheekh.jpeg 317628641_534364775401333_75217045426940 317718967_534364742068003_28918377420427 317749015_534364762068001_61977074194256 317624303_534373235400487_25362892486677 317663981_534364702068007_15764668354143

The post Sawirro: Madaxtooyada Soomaaliya oo loo dhisayo dhisme cusub oo casri ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this